Qofka oo dhaqan ka dhigta aqriska. Maadama barnamijkan ugu talagalnay in qofka aqoontiisa ,garadkiisa iyo garashadiisa iyo aadaabtiisa uu ku kobciyo ayuu aqriska wuxuu yahay kan usahlaya dhamaantood. Aqriska muhiimadiisa waxeynu ka garaneyna qur'aanka kariimka (aayadii ugu horeysay ee nabiga scw kusoo dagta macnahedu waxey aheyd "aqri")halkas waxeynu ka garaneyna aqriska muhiimada uu u leyahay bini aadamka gaar ahaan anaga oo islaam ah. Aqriska waa sheeyga ka shaqeysiiya maskaxda sida caadiga ah jirka qofka wuxuu ubahanyahay jimicsi si jir caafimad qaba loo helo sidaa si lamid maskaxdu waxey ubaahantahay Aqris si maskax caafimaad qabta loo helo. xaqiiq ahan aqriska qofka wuxuu siinaya inuu dhex mushaaxo waqti aanu nooleeyn isagu iyo meel aanu ku nooleeyn. 𝐀𝐡𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐥𝐞𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐚𝐪𝐫𝐢𝐬𝐤𝐚 Aqriska qofka waxey ka caawineysa in uu caadooyin iyo dhaqamo kala kedisan iyo xadaarado hore inuu barto aqriska ayaa usuuro gelinaya i...
Tilmaamaha Lagu Garto Qofka Guul Dareystay Ama Inaa d Adiga Tahay Ruux Guul Dareysatay Waxaa Ka Mid Ah:: -Inaad Maqasho Adinka (Aaddanka Salaada) Misana Aadan Salaada u Kicin.. -Inay Salaada Subax Kaa Tagto Haddana Aadan Dareemin Culeys Iyo Murug Darteed. -In Hareerahaga Lagu Aqriyo Quranka Hadana uusan Qalbigaga Jileec (Qushuuc) Dareemin.. -Inaad Naftada Ka Wayso Wanaag Misana Arinkaas Culeyskiisa uusan Ku Sameyn.. -Inaad Saaxiib Wanagsan Nolasha Ku Hesho Hadana Aadan Ka Faa Idaysan Wanagiisa. -Inaad Dambi Gasho Hadana Aadan Ka Shaleynin (Qoomameyn) Dambiga Aad Gashay Allaahna uga Towbadkeenin Xumaanta.. -Inaadan Alle Xasuusan Inta Caafimad Qabto oo Markaad Xanuunsato Tiraahdo Quran i Saara Inta Kale oo Dhana Iska Nooshahay. -Inaadan Laheen Xili Adiga kuu Qaas Ah oo Aad Cibaadaysato Qurankana Aqrisato.. -Inaad Tahay Ruux Dhalin Yaro Ah Hadana Aan Ka Faa'Idaysan Dhalin Yaro Nimadiisa. -Inaad Tahay Ruux Da' Ah Haddana Dhex Taaga...