Bari ayaa anigoo yar waxaa ciidan la iigu daray geela oo la harwayminayo si'aan ubadka ugu xareeyo geel-jiraha, waa shaqo aad u adag balse marka loo eego raga geela raaca fudud, waayo ubadku dhul-dheer kula aadi maayaan, haddii ay is ogal yihiina kaba sii feecan, hase ahaatee nin aan xoog lahayn geel-jire dhexdi waa ku dhiban yahay, cayda iyo canaantu waa qayb ka mid ah cuntada xerada laga cuno, dilkuna waa iidaan lagama maar maan noqon kara mararka qaarπ€
habeyn habeenada ka mid ah ayey igu war galiyeen in ay aadayaan aroos aan saas xerada uga fogayn, balse ay aniga waajib igu tahay in aan seexdo, hase ahaatee arintaas waan diiday, dagaal iyo hadal dheer ka bacdi waa iga tageen iyaga oo rajaynaya in aana garanay halka aroosku jiro.
budulka iyo bulaanka dadka u socda arooska waa mid ay ku badan halka xerada geelu tahay, mudo aan dheeray ka dib ayaa waxa isoo maray dad badan oo arooska u socda, anigu waa sidaan rabaye iyagii ayaan rafiiqsaday, mudo nus-saac ka yar ayaanu arooski ku tagnay.
Aroosku waa gaaf wiil ayaa ul bakoorad ah isla ruxaya, markuu in haystaba gabar ama wiil ayuu usha kala dul dhacayaa, "shami shami iyo labo-saar" waa hadalada ugu badan ee aan afkiiska kala baxay, gabayada, heesaha qaaraamigaa iyo majaajilada qosalka badan ayaa maxfalka suuq iyo sayladba ka le, gudida dadka xujaynaysa ayaa hal-xiraalayaa goobta la fadhiya, kii hal-xiraalaha fura waa fasaxan yahay waxa uu sheeganaya isaga ayaa u madax banaan, balse kii garan waaya waa la xukumayaa.
markii arooskii mudo socday ayaa maamulkii maxfalku amreen in dadka la siiyo cabitaan ( sharaab) caruusiinta ayaa laga soo bilaabay wiil ayaa sida labo kala way dhii-dhiibayaan, dadku waxay u fadhiyaa dhawr qaybood raga waa weyn, dumarka iyo kurayda, waxay soo weereegaanba waxa la soo gaaray kuraydii, markii dhawr iga horaysay la hor-dhigay dhalooyin kala nooc ah, ayaa la ii dhiibay dhaladan dheer ee ay (7up) ku qoran tahay anigu markaas waxan is leehayay waa laguu roonaaday waayo inta ii dhaw aniga ayaa ka dhalo weyn.
Hal-haleel ayaan kor ugu dhiftay oo afka maroojiyey balse nasiib daro waa furi waayey, nin weyn oo meesha taagnaa ayaan ku idhi " ader ii fur" wuu iga qaaday wuxuuna ii dhiibay iyada oo dabac san balse shanqaraysa, nin aan caano geel iyo shaah waxaan ahayn aqoon baan ahaye hal mar ayaan magawsaday ( cantuugay) wadeeco Allah! sanka, afka iyo dhagaha ayaa biir kulul iga baxday, indhaha hoor biyaa ayaa qariyey, waxan sixi wayey waxa aan kabaday macaan iyo kharaar waxa ay yihiinπ€£ waana sii daayey si'ay caloosha u aado.
waan dhigtay anigoo is le way qaboobi doontaa, ee sug wax yar, furkana waa u dheereeyey, carabka ayaan ka dareemayaa xanaf iyo moobaah aad moodid qof xanan ruugayπ€£, ciyaalkii waxoodii mar hore ayey ka soo jeesteen, aniga se maxa iga raacay, caloosha lafteedii eer ayaa is buuxshay, daaco ayaan bilaabay, yaa salaam "Allaw tii yaraydee maxaa noo kaa geeyey" yaa nin laga sheegay.
cabaar markii aan sugay ayaan furka ka dhiftay mise waaba guuxaysaa " shiiq, shiiq" ayey ku haysaa, mar kale ayaan qur-quro ugu jiidayπ€£ " quc, qac, quc, qac", labo jeer markii aan liqay, ayaan afka ka dhiftay anigoo caloosha iyo bishimaha inta u dhexaysa i olalayso, mar danbe uma noqon balaayo ku cabtay war wuxu kululaaπ€£π€£.
waligaa waxaadan aqoon iska illaali!
Comments
Post a Comment
Sharaf ayaa leedahay