Sam Altman ex manager of chatgbt
Waa maxay baramijka cusub ee q-star(q*)?
17 bishii dhammatey ee november waxay gudiga(board-ga) shirkada open ai oo ah shirkada leh baramijka chatgbt ay shaqada ka caydhisey Sam Altman oo aha mamulihii guud ahna ninka maskaxda u badan galiyay baramijka chatgbt walow gudigu sababeyen caydhintiisa markii dambena xilka laguba so celiyay hadana waxa so baxdey in sababta loo eryay ay ahayd baramij uu si qarsoon uga shaqaynayay lana dhaho q-star kaas oo board gu u arkeen in uu halis ku yahay aadanaha.
Hadan cilmi ahaan furfurno sababta baramijkan halista ka dhigtey waa in aynu marka hore fahano artificial general intelligence (AGI) caadi ahaan chatbots ka jira sida chatgbt,bard iyo kuwa kaleba awoododu waxay ku egtahay ama loo tababarey in ay diirada saaran shaqo/hawl cayiman(to focus on specific tasks) iyaga oo xogta ka so qaadanaya mareegaha internetka( xogta ay dadku galiyeen internetka) ka waran hadey awooda AI gu gaadhi lahayd heer ay si madax banan u fikirto? oo halka su'aasha aad waydiisey internetka kaga baadhi lahayd ay iyadu mid maskaxdeda ay ka keentey kuso gudbiso? waa taas awooda iyo farqiga u dhaxeeya chatbots kii hore iyo nidaamkan ay shirkada open ai ka shaqaynayso ee q-star.
Dadka cilmiga technologyga taxliliya waxay gaadhsiiyeen heer hadii horumarka(AGI) gu sii socdo ayna so baxaan baramijkan q-star iyo kuwo kaleba ay caqliyada macmalku gaadhi doonto heer ay fikir iyo cilmi ahaanba dadka guumaysato oo xogta ay sida joogtada ah internetka ugalinaysaayi ka badato tan dadku qorayaan,halista u waynina waa in ay iskeed isku ciladbixin karto, usamaysanayso codes iyo instructions cusub halka markii hore dhamman codes ka ay qori jireen developersku.
W/Q: engmohasilver
Comments
Post a Comment
Sharaf ayaa leedahay