Skip to main content

akhrisku wuxuu kobciyaa maskaxda bani aadamka

FAAIDOOYINKA UU WAX AQRISKU LEEYAAHY

  Qofka oo dhaqan ka dhigta aqriska. Maadama barnamijkan ugu talagalnay in qofka aqoontiisa ,garadkiisa iyo garashadiisa iyo aadaabtiisa uu ku kobciyo ayuu aqriska wuxuu yahay kan usahlaya dhamaantood.  Aqriska muhiimadiisa waxeynu ka garaneyna qur'aanka kariimka (aayadii ugu horeysay ee nabiga scw kusoo dagta macnahedu waxey aheyd "aqri")halkas waxeynu ka garaneyna aqriska muhiimada uu u leyahay bini aadamka gaar ahaan anaga oo islaam ah.   Aqriska waa sheeyga ka shaqeysiiya maskaxda sida caadiga ah jirka qofka wuxuu ubahanyahay jimicsi si jir caafimad qaba loo helo sidaa si lamid maskaxdu waxey ubaahantahay Aqris si maskax caafimaad qabta loo helo.  xaqiiq ahan aqriska qofka wuxuu siinaya inuu dhex mushaaxo waqti aanu nooleeyn isagu iyo meel aanu ku nooleeyn.   π€π‘π¦π’π²πšππš 𝐞𝐞 π₯𝐞𝐞𝐝𝐚𝐑𝐚𝐲 𝐚πͺ𝐫𝐒𝐬𝐀𝐚  Aqriska qofka waxey ka caawineysa in uu caadooyin iyo dhaqamo kala kedisan iyo xadaarado hore inuu barto aqriska ayaa usuuro gelinaya i...

Xikmado+qosol+diin:πŸ‘‡



1. Dadku way is diidsiiyaan xaqiiqda ,fadeexadna wey u dhintaan.

2.Sugitaanka ugu adagi waa inaad sugto waxaan soo socon.

3.Ninow mushkilad maaha hadaad foolxuntay ama aad xunteyba kaliya diyaarso hanti, dumarku iyagaaba ku odhan"wuxuu leeyahay hadh qurux badan"mugabi- bushawi  
4.Qof ixtiraam badan hadaad aragto,garo wuxuu ku leeyahay "waxaan lahaa waalid fiican"

5.Wey Salaaman yihiin asxaabta aanay badalin duruufuhu.

6.Shay kasta markaad usoo dhawaato wuu weynaada,halka dadka qaar ay yaraadan caqligoodu markaad usoo dhawaato.

7. Ninyow fadlan sxb guurso gabadh wax karin taqaan waayo quruxda iyo jaceyl wey dhamaadan ,se gaajadu wali wey jiraysaa intaad nooshey"mugabe.

8. Noloshu waa sida bada si aad ugu noolaato waa inaad heystaa doonta samirka.

9.Fadlan hadii inanka aad la sheekaysataa kusoo waco habeenkii oo kaliya, kaasi nin maaha waa kaneeco,ileen iyaduunbaa mugdiga qadhaabata"mugabi

10. Waan ogahay in lagu khiyaami ,waliba dhan lagaawada mari, samir kaliya waxay tijaabinayaan inta aad adkeysato"kaarshe.

11. Marmar Ha ka filan xumaan gabadh asturan oo socota 12:00 habeenimo waxa laga yaabaa inay dhakhtar katimi ama cid ku heysay.

12. Asxaab badan waxay iska qaadi 30 sawir oo selfie ah si halka mid ee ugu quruxda badan u posti gareeyaan ,kadibna wadooyinkaad ku arki iyagoo 29 kale u eeg"mugabe 

13. Raggu waa Oogo amaan ama Aayo amaan,gabadhey adigay ku jirtaa midkaad la socon"ku celis.

14. Dumarka sΓΈomaaliyeed wey waalan yihiin waxay ku odhan "idhaaro inaadan ila guursanayn sidii lagu dhaarinaya jago madaxweyne ama igu meheri 500g oo dahaba siday dhalayso Nebi."suni 

15. Maxaad xidhiidhkiisa u wanaajisaa mid Ilaahay ka fog,kaliya ma waxaad sugeysaa intuu xidhiidhkaaga jarayo.

16.Ilaahay ka baqo meel kasta aad joogto.

#Lawadaag Asxaabtaada 
W:Q MOHAMMED TUSBAXLE

Comments

Post a Comment

Sharaf ayaa leedahay

Popular posts from this blog

❤❤ Fariin Jacayl ❤❤

https://www.facebook.com/mohamed.tusbaxle.3?mibextid=ZbWKwL   Kama xishoonayo inaan ku iraahdo/dhaho waan ku jeclahay , ❤ is kalamana Wayni Qirashada Jacaylkaaga . sababtuna Waa inaan Haweenba Adi Kaa Doortay , πŸ™  inaan ku raali geliyo haduu qalad Dhexdeena Imaad waa Waajib raganimo oo ani i saaran , πŸ‘€ quruxdaada Ay ku lamaan tahay diinta Iyo dadnimadu  waa sababta aan u go’aansaday in aan nolol kula wadaago. . Dumarkana Kaligaa Kaaga doortay ❤ Waxkastoo quruxoon oo Noolle Cajab Galiya Alle Waa Kuu dhaliyay .  Waana Ta Keentay Inaan Ku Jeclaado kuna Iraahdo Agtaadan Taagnahay Goor Kaste oo baahi timaado farxad iyo Murug Labadaba . πŸ™❤ Waan Ogahay Qalbigu waa halka Laga go,aamiyo Nacaybka Iyo Jacaylka . Waana Xubinta Kala Saarta Wanaaga Iyo Xumaanta .πŸ”› Ogolaanshaha Nafsadeed waxa maamula Qalbiga . qalbigaas baa ku le waan ku jeclahay  Waa Fariin Qof kasto wax jecel La wadaagi lahaa qofkiisa .  ❤❤ Soo #Mention Garee Qof kugu qaaliya oo aad fariintan la wad...

Fikirada qaldan ee ku curyaaminaya

Qaybtii 1aad  Ma samayn karo waxaas iyo waxaas, "Aad baan u illowsanahay-, jaamacad kama bixi karo- iwm waa fikrado ku curyaaminaya oo kaa celinaya inaad ku tallaabsato waxyaalaha ay naftaadu doonayso inay gaadho. waxay kaa dhigtaa inaadan waxba qaban karin, taasina waa fikir xun oo xun, maskaxda caafimaadka qabtaa waa inaad naftaada u sheegto inaad samayn karto wax kasta oo aad maskaxdaada geliso, tusaale ahaan, waxaad tahay 20 jir oo aad rabto inaad sameyso. aad kulliyadda, laba fikradood ayaa maskaxdaada ku soo dhacaya: "Waan ka bixi karaa kulliyadda; oo kama bixi karo kulliyadda." Bal eeg! Labada fikradoodba waxay u maleeyaan wax aan weli la gaarin sababtoo ah ka bixida kulliyadda waxay ku xiran tahay buuxinta shuruudaha kulliyadda........... Qaybtii 2aad...,