Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2023

akhrisku wuxuu kobciyaa maskaxda bani aadamka

FAAIDOOYINKA UU WAX AQRISKU LEEYAAHY

  Qofka oo dhaqan ka dhigta aqriska. Maadama barnamijkan ugu talagalnay in qofka aqoontiisa ,garadkiisa iyo garashadiisa iyo aadaabtiisa uu ku kobciyo ayuu aqriska wuxuu yahay kan usahlaya dhamaantood.  Aqriska muhiimadiisa waxeynu ka garaneyna qur'aanka kariimka (aayadii ugu horeysay ee nabiga scw kusoo dagta macnahedu waxey aheyd "aqri")halkas waxeynu ka garaneyna aqriska muhiimada uu u leyahay bini aadamka gaar ahaan anaga oo islaam ah.   Aqriska waa sheeyga ka shaqeysiiya maskaxda sida caadiga ah jirka qofka wuxuu ubahanyahay jimicsi si jir caafimad qaba loo helo sidaa si lamid maskaxdu waxey ubaahantahay Aqris si maskax caafimaad qabta loo helo.  xaqiiq ahan aqriska qofka wuxuu siinaya inuu dhex mushaaxo waqti aanu nooleeyn isagu iyo meel aanu ku nooleeyn.   ๐€๐ก๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐ž๐ž ๐ฅ๐ž๐ž๐๐š๐ก๐š๐ฒ ๐š๐ช๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š  Aqriska qofka waxey ka caawineysa in uu caadooyin iyo dhaqamo kala kedisan iyo xadaarado hore inuu barto aqriska ayaa usuuro gelinaya i...

Dhowr tilmaamood oo haday kugu suntantahay aad tahay qof guuldareystey

 Tilmaamaha Lagu Garto Qofka Guul Dareystay Ama Inaa d Adiga Tahay Ruux Guul Dareysatay Waxaa Ka Mid Ah::  -Inaad Maqasho Adinka (Aaddanka Salaada) Misana Aadan Salaada u Kicin..  -Inay Salaada Subax Kaa Tagto Haddana Aadan Dareemin Culeys Iyo Murug Darteed. -In Hareerahaga Lagu Aqriyo Quranka Hadana uusan Qalbigaga Jileec  (Qushuuc) Dareemin.. -Inaad Naftada Ka Wayso Wanaag Misana Arinkaas Culeyskiisa uusan Ku Sameyn..  -Inaad Saaxiib Wanagsan Nolasha Ku Hesho Hadana Aadan Ka Faa Idaysan Wanagiisa.  -Inaad Dambi Gasho Hadana Aadan Ka Shaleynin (Qoomameyn) Dambiga Aad Gashay Allaahna uga Towbadkeenin Xumaanta..  -Inaadan Alle Xasuusan Inta Caafimad Qabto oo Markaad Xanuunsato Tiraahdo Quran i Saara Inta Kale oo Dhana Iska Nooshahay.  -Inaadan Laheen Xili Adiga kuu Qaas Ah oo Aad Cibaadaysato Qurankana Aqrisato..  -Inaad Tahay Ruux Dhalin Yaro Ah Hadana Aan Ka Faa'Idaysan Dhalin Yaro Nimadiisa.  -Inaad Tahay Ruux Da' Ah Haddana Dhex Taaga...

Fiira gaara

 Ma Is Weeydiisay Sababta `Sakaraatul-Mowdka Qofka uga soo bilaawday xaga Qeeybaha Hoose lugaha uguna dhamaadaa qeybta sare Ee jirka ilaa madaxa.? `Waxaa la Wariyay  `Xikmadda Aayadan  ู‚ุงู„ ุชุนุงู„ูŠ؛ (ูƒู„ุง ุงุฐุง ุจู„ุบุช ุงู„ุชุฑุงู‚ูŠ  ูˆู‚ูŠู„ ู…ู† ุฑุงู‚ ูˆุธู† ุงู†ู‡ ุงู„ูุฑุงู‚،  ูˆุงู„ุชูุช ุงู„ุณุงู‚ ุจุงุงู„ุณุงู‚..) `Miskiin Miyaad Ogtahay  Sababta  Malakul-Mowd Qaadida ruuxdada uga soo bilaabaa Xaga hoose Ee jirkaaga Uguna dhameeyo xaga sare Ee jirka madaxa. `Hadaad ogaan laheed Ujeedka laga leeyahay Arrinkaa `Wax kasto Ood hadda gacanta ku heyso Waad tuuri laheed.๐Ÿ˜ฅ `Waxaad maanta ka dib  go`aansan laheed in aad cibaadada kaliya u go`do. Danbiyadii Aad hore u gashayna waad ka towbad keeni laheed. `Markii la Amro  Malakul-mowd in uu Ruuxdaada soo qaado Wuxuu  soo saarista ruuxdaada ka soo bilaaba Xagga qeeybahaada hoose.   `Sababta  Ama Xikmada ka danbeeyso waa in aadan ka cararain  ama Aadan ka argagaxin Waxa  Aad la kulmi doonto waayo hore uma aadan arkin.๐Ÿ˜ฅ...

sheeko ( aroos iyo aqoon li'i๐Ÿคฃ

Bari ayaa anigoo yar waxaa ciidan la iigu daray geela oo la harwayminayo si'aan ubadka ugu xareeyo geel-jiraha, waa shaqo aad u adag balse marka loo eego raga geela raaca fudud, waayo ubadku dhul-dheer kula aadi maayaan, haddii ay is ogal yihiina kaba sii feecan, hase ahaatee nin aan xoog lahayn geel-jire dhexdi waa ku dhiban yahay, cayda iyo canaantu waa qayb ka mid ah cuntada xerada laga cuno, dilkuna waa iidaan lagama maar maan noqon kara mararka qaar๐Ÿค” habeyn habeenada ka mid ah ayey igu war galiyeen in ay aadayaan aroos aan saas xerada uga fogayn, balse ay aniga waajib igu tahay in aan seexdo, hase ahaatee arintaas waan diiday, dagaal iyo hadal dheer ka bacdi waa iga tageen iyaga oo rajaynaya in aana garanay halka aroosku jiro. budulka iyo bulaanka dadka u socda arooska waa mid ay ku badan halka xerada geelu tahay, mudo aan dheeray ka dib ayaa waxa isoo maray dad badan oo arooska u socda, anigu waa sidaan rabaye iyagii ayaan rafiiqsaday, mudo nus-saac ka yar ayaanu arooski ku ...

Waa maxay baramijka cusub ee q-star(q*)?

Sam Altman ex manager of chatgbt Waa maxay baramijka cusub ee q-star(q*)? 17 bishii dhammatey ee november waxay gudiga(board-ga) shirkada open ai oo ah shirkada leh baramijka chatgbt ay shaqada ka caydhisey Sam Altman oo aha mamulihii guud ahna ninka maskaxda u badan galiyay baramijka chatgbt walow gudigu sababeyen caydhintiisa markii dambena xilka laguba so celiyay hadana waxa so baxdey in sababta loo eryay ay ahayd baramij uu si qarsoon uga shaqaynayay lana dhaho q-star kaas oo board gu u arkeen in uu halis ku yahay aadanaha. Hadan cilmi ahaan furfurno sababta baramijkan halista ka dhigtey waa in aynu marka hore fahano artificial general intelligence (AGI) caadi ahaan chatbots ka jira sida chatgbt,bard iyo kuwa kaleba awoododu waxay ku egtahay ama loo tababarey in ay diirada saaran shaqo/hawl cayiman(to focus on specific tasks) iyaga oo xogta ka so qaadanaya mareegaha internetka( xogta ay dadku galiyeen internetka) ka waran hadey awooda AI gu gaadhi lahayd heer ay si madax banan u fi...