Qofka oo dhaqan ka dhigta aqriska. Maadama barnamijkan ugu talagalnay in qofka aqoontiisa ,garadkiisa iyo garashadiisa iyo aadaabtiisa uu ku kobciyo ayuu aqriska wuxuu yahay kan usahlaya dhamaantood. Aqriska muhiimadiisa waxeynu ka garaneyna qur'aanka kariimka (aayadii ugu horeysay ee nabiga scw kusoo dagta macnahedu waxey aheyd "aqri")halkas waxeynu ka garaneyna aqriska muhiimada uu u leyahay bini aadamka gaar ahaan anaga oo islaam ah. Aqriska waa sheeyga ka shaqeysiiya maskaxda sida caadiga ah jirka qofka wuxuu ubahanyahay jimicsi si jir caafimad qaba loo helo sidaa si lamid maskaxdu waxey ubaahantahay Aqris si maskax caafimaad qabta loo helo. xaqiiq ahan aqriska qofka wuxuu siinaya inuu dhex mushaaxo waqti aanu nooleeyn isagu iyo meel aanu ku nooleeyn. 𝐀𝐡𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐥𝐞𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐚𝐪𝐫𝐢𝐬𝐤𝐚 Aqriska qofka waxey ka caawineysa in uu caadooyin iyo dhaqamo kala kedisan iyo xadaarado hore inuu barto aqriska ayaa usuuro gelinaya i...
Fikrado kala duwan ayaa maskaxdaada ku soo qulqulaya, kii aad dhegaysatana wuu guulaysan doonaa.” kadib Markaad aqoonsato yoolkaaga, tallaabada ugu horreysa ee kuu suurtogelinaysa inaad u dhaqaaqdo gaadhiddeeda waa inaad rumaysato inaad gaadhi karto, maskaxda bani’aadamkuna waa waxa ay tahay. way rumaysataa, hadii ay awooddo way fikirtaa oo way soo jeeddaa, waxay ka shaqaysaa sidii ay u suurtogelin lahayd iyo sidii ay u samayn lahayd, laakiin, marka maskaxdu hesho inaadan waxba qaban karin, maskaxdu way xidhmaysaa, maskaxdu ma samaynayso. ka fakar in aad xal u hesho arintaas iyo sidii aad ugu suurto gali lahayd, waayo maskaxdu waxay aaminsantahay in aan la gaadhi karin, hadaba hadii aad aaminsantahay in aad gaadhi karto hadafkaaga waa run oo waad gaadhi kartaa laakiin hadii waxaad aaminsantahay in aadan gaari karin in aysan run ahayn oo aan la gaari karin, si kale haddii loo dhigo, haddii aad tiraahdo 'haa' waan sameyn karaa, haddii aad tiraahdo 'haa' o 'Maya...